Ku saabsan Dr. Guuleed Saalax

Taariikhdayda oo Kooban

Dr. Guuleed Saalax Barre wuxuu ku dhashay, ku barbaaray waxbarashadiisa illaa dugsi sarena ku qaatay dalka gudihiisa.

Dr. Guuleed ayaa soo noqday Gudoomiyaha Gudiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland, sidoo kale waxa uusoo noqday Wasiirka Deegaanka iyo Isbadalka Cimilada Puntland. Wuxuu sidoo kale ahaa aasaasihii iyo agaasimihii ugu horreeyay ee machadka cilmibaarista ee SIDRA, sidoo kale wuxuu la soo shaqeeyay hay’ado caalami ah oo ay ka mid yihiin kuwa qaramada midoobay sida UNDP iyo UNFPA. Sidoo kale wuxuu bare iyo gudoomiye kuxigeen ka noqday Jaamacadda Bariga Afrika fareecada Garoowe.

Dr. Guuleed Saalax Barre wuxuu haystaa shahaadada PhD-da oo uu ka qaatay Jaamacadda Qaramada Midoobay ee Nabadda (United Nations University for Peace), mawduuca cilmibaarista ee uu ku diyaariyay shahaadada PhD-da waa FEDERAALAYNTA SOOMAALIYA. Shahaadada Master-ta wuxuu ka diyaariyay horumarinta ganacsiga (MBA – International Business), jaamacadda Amity eek u taalla India halka Bachelor tana uu ku diyaarisay cilmiga istaatistikada, Jaamacadda Omdurman ee Suudaan.