Golaha wasiirada Dawladda Puntland oo ansixiyay Hindise Sharciyeedka Diiwaangelinta Codbixiyaha.

Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland ayaa maanta kusoo bandhigay shirka khamiislaha ah ee Golaha Wasiirada Puntland “Hindise Sharciyeedka Diiwaangelinta Codbixiyaha” kaas oo la diyaarinayay 6dii bilood ee lasoo dhaafay.

Horay waxaa wadatashi loogala soo sameeyay Xeerkaan hay’adaha dawladda, bulshada rayidka ah iyo Ururada Siyaasadda Puntland.Guddoomiyaha Guddiga Guuleed Saalax Barre ayaa ka hor akhriyay una shaxay Golaha Wasiirada Xeerkaan, dood iyo talooyin ka dib, Goluhu wuxuu aqlabiyad ku ansixiyay Xeerka.

https://www.facebook.com/TPECPuntland

CodkaaguWaaXaqaaga
CodkaaguWaaMustaqbalkaaga.

Leave a Reply