Guddiga doorashooyinka ayaa furay qandaraaskii horay loo xayaysiiyay ee ku saabsanaa qalabka iyo system ka diiwaangalinta codbixiyaha.

Saaka Gudoomiyaha Guddigu doorashooyinka Puntland Guuleed Saalax Barre, ayaa wuxay saaka fureen qandaraaskii horay loo xayaysiiyay ee ku saabsanaa qalabka iyo system ka diiwaangalinta codbixiyaha.

Waxaa soo codsaday 4 shirkadood iyagoo saakana kasoo qaybgalay kulanka furitaanka qandaraaska.Waxaa sidoo kale kasoo qaybgalay kulanka hay’adda PUNSAA iyo Safaaradda Denmark oo goobjoogayaal ka ahaa iyo Hay’adaha InterPeace iyo SAHAN oo qayb ka ah Guddiga Qiimaynta Qandaraaska.

Dhowaan ayaa Guddigu shaacindoonaa shirkadda ku guulaysata qandaraaskaan marka la dhameeyo qiimaynta ay isla samaynayaan Guddiga iyo khubarada ka socota hay’adaha caalamiga ah.

https://www.facebook.com/TPECPuntland

CodkaaguWaaXaqaaga
CodkaaguWaaMustaqbalkaaga.

Leave a Reply