Gudoomiyaha Guddiga doorashooyin iyo xubno la socda ayaa kulan la qaatay aqoonyahanada, iyo qayb ka mid ah ardayda Jaamacada Ummadda faraceeda Puntland.

Gudoomiyaha Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland Guuleed Saalax Barre iyo xubno Guddiga ka mid ah, ayaa la kulmay aqoonyahanada, dhalinyarada iyo qayb ka mid ah ardayda Jaamacada Ummadda faraceeda Puntland.

Guddiga waxay ardayda kalahadleen muhiimada ay leedahay nidaamka axsaabta badan iyo kaalinta ay ku leeyihiin wacyigelinta bulshada.

Kulamada Guddigu ay ka wadaan Baran iyo guud ahaan Gobolka waxay qayb ka yihiin wacyigelin guud oo Guddigu ka wado Gobolada Puntland.

https://www.facebook.com/TPECPuntland

CodkaaguWaaXaqaaga
CodkaaguWaaMustaqbalkaaga.

Leave a Reply