Kulanka Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland iyo Ururada Siyaasadda Puntland.

Gudoomiyaha Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland Guuleed Saalax Barre iyo xubno ka mid ah Guddiga, ayaa maanta la shiray Ururada Siyaasadda Puntland.

Guddigu wuxuu uga warbixiyay Ururada shaqooyinkii u qabsoomay 3-dii bilood ee udanbeeyay iyo qorshayaasha soo aaddan bilaha soo socda oo uu ugu horeeyo barnaamijka diiwaangalinta codbixiyayaasha oo dhawaan bilaamanaya.

Sidoo kale xubnaha Ururada uga qaybgalayay shirkan ayaa talooyin ka dhiibtay hawlaha socda sidoo kalana su’aalo weydiiyay Guddiga iyadoo Guddigu uga jawaabay wixii su’aala ahaa Ururada.

https://www.facebook.com/TPECPuntland

CodkaaguWaaXaqaaga
CodkaaguWaaMustaqbalkaaga.

Leave a Reply