Guddiga doorashooyinka ayaa maanta kulan is-xogwareysi ah la yeeshay hogaamiyayaasha iyo xoghayayaasha guud ee 10ka Urur Siyaasadeed ee Puntland.

Guddiga kmg ee doorashooyinka Puntland ayaa maanta kulan is-xogwareysi ah kula yeeshay xarunta PDRC hogaamiyayaasha iyo xoghayayaasha guud ee 10ka Urur Siyaasadeed ee Puntland.

Guddoomiyaha Guddiga Guuleed Saalax Barre ayaa warbixin guud siiyey madaxda Ururada oo uu ku wargaliyey in kulankan bishiiba ay mar isugu imaan doonaan Guddiga doorashada iyo madaxda Ururada Siyaasadda.Shirka waxaa la isku waydaarsaday su’aalo iyo war-celin la xiriirta wixii soo kordhay oo Guddigu warbixin ka siiyey Ururada,sida macluumaad ku saabsan Xeerarka doorashada degmooyinka,wacyi galinta bulshada iyo ahmiyadda tababarada hawlwadeenada Ururada Siyaasadda.

https://www.facebook.com/TPECPuntland

CodkaaguWaaXaqaaga
CodkaaguWaaMustaqbalkaaga.

Leave a Reply