Gudoomiyaha Gudddiga doorashooyinka ayaa kulan aqoon isweydaarsi ah usoo xiray dhamaan ururada siyaasada Puntland.

Gudoomiyaha Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland Guuleed Saalax Barre ayaa soo xirayAqoon iswaydaarsi ay kaso qayb galeen dhamaan qaybaha kala duwan ee Ururada Siyaasada Puntland kaas oo ka qabsoomay Xarunta Cilmibaarista PDRC.

Aqoon isweydaarsigaan oo soconayay laba bari ayaa ku saabsanaa fahamka barnaamijka xisbiyada badan, shuruucda iyo habraacyada diyaarsan iyo guud ahaan hirgalinta hannaanka xisbiyada badan ee Puntland.

Aqoon iswaydaarsigaan waxaa iska kaashaday TPEC iyo PDRC, waxaana qorshaysan in uu sii socdo tababarada noocaan oo kale ah oo kor loogu qaadayo aqoonta iyo tayada Ururada Siyaasadda Puntland.

Xaruntan ayaa waxa si wada jira u xarig jaray Guddoomiye ku xigeenka TPEC Jaamac Xirsi Farax iyo Gudoomiyaha degmada Ufayn Maxamed Axmed Saalax, waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa qaar kamida Ururada Siyaasada ee Xarumaha ku leh degmada Ufayn.

Sidoo kale Guddigu waxay kulan wacyigalin ah oo looga hadlayay nidaamka axsaabta badan si gaara isu diyaarinta diiwaangalinta codbixiyayaasha ay la yeesheen qaybaha kala duwan ee bulshada ku nool Ufayn.

Mudada wafdigu joogaan degmada Ufayn waxay imtixaan ka qaadi doonaan dadkii ku guulaystay inay ka mid noqdaan liiska gaaban (Short list) dadka u tar tamaya Gudoomiyaha xafiiska Guddiga doorashooyinka ee Degmada Ufayn.

CodkaaguWaaXaqaaga.

CodkaaguWaaMustaqbalkaaga.

Furitaanka Xafiiska Guddiga Doorashooyinka Puntland ee Gobolka Karkaar.

https://tpec.pl.so/wp-content/uploads/2020/11/TPEC-Bulletin-02_English.pdf

Waxqabadkan saddex biloodka (july ilaa September 2020) ee Guddiga KMG doorashooyinka Puntland

Guddiga KMG doorashooyinka Puntland ayaa soo saaray joornaal soo koobaya waxqabadkii Guddiga July ilaa September ee sanadka 2020, isagoo ku qoran Somali iyo English.
Fadlan Linkiga hoose taabo si aad u akhrisatid.
https://tpec.pl.so/tpec-bulletins/

Linkiga riix saad udaawatid tababarkan.

Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland ayaa maanta oo khamiis ah 30ka Janaayo 2020 wuxuu ka bilaabay degmada Buurtinle safar shaqo uu ku marayo gobolada Puntland si dadweynaha loo gaarsiiyo qorshaha hirgalinta hannaanka xisbiyada badan ee Puntland, iyo latashiyo ku aaddan arrimahaas.
Ugu horrayn waxaa Guddigu xarunta degmada kula shiray maamulka,golaha degaanka iyo qaybaha bulshada sida nabadoonada, haweenka, dhallinyarada, ganacsatada iyo ýqaybaha kale ee bulahada rayidka.
Guddigu wuxuu si faahfaahsan ugu sharaxay bulshada reer Buurtinle qorshaha iyo jadwalka doorashada sidoo kalana wuxuu ka jawaabay su’aalo ay bulshadu waydiiyeen.
Ugu dammayn waxaan u mahadcelaynaa maamulka iyo bulshada Buurtinle soodhoweyntii ay usameeyeen Guddiga.

https://www.facebook.com/TPECPuntland/videos/305937190512031

CodkaaguWaaXaqaaga
CodkaaguWaaMustaqbalkaaga.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *