



Guddiga KMG doorashooyinka Puntland ayaa saaka kulan la yeeshay Guddi Hoosaadka Baarlamaanka Puntland u qaabilsan Shuruucda, Caddaaladda iyo Dimuqraadiyadda.
Labada dhinac waxay ka wada wada hadleen arrimaha la xiriira hirgalinta hannaanka xisbiyada badan iyo qabashada doorasho qof iyo cod ah oo ka dhacda Puntland. Waxay si gooni ah uga wada hadleen dhammaystirka xeerarka, dhismaha Maxkamadda Dastuuriga ah iyo wacyigelinta dadweynaha.