Guddiga Doorashooyinka oo saaka kulan la yeeshay Guddiga ka hortagga caaquba CoVID19 ee Puntland.

Gudoomiyaha Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland Guuleed Saalax Barre oo ay weheliyaan xubno Guddiga ka mid ah, ayaa saaka kulan la yeeshay Guddiga Dawladda Puntland u qaabilsan ka hortagga caaquba CoVID19.

Kulanka oo ka dhacay xarunta TPEC waxaa looga wadahadlay sidii la isku waafajin lahaa badqabka bulshada iyo socodsiinta shaqooyinka Guddiga KMG Doorashooyinka.Guddiga ka hortagga caaquba ayaa la wadaagay Guddiga Doorashooyinka talooyin iyo habraacyo loo baahanyahay in la tixgeliyo gaar ahaan kulama bulshada lala yeelanayo.

https://www.facebook.com/TPECPuntland

CodkaaguWaaXaqaaga
CodkaaguWaaMustaqbalkaaga.

Leave a Reply