Dib-u-eegista sharciyada Doorashooyinka Puntland iyo samaynta Xeerar iyo Xeerar-Nidaamiyayaal

Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland wuxuu kulankiisa asbuucalaha ahaa oo uu shir gudoominayay Gudoomiyaha Guddiga Guuleed Saalax Barre, ay ku dhagaysteen warbixin hordhac ah oo uu soo jeediyay Abuukaate Saalim Siciid Saalim, warbixinta oo ku saabsanayd dib-u-eegista sharciyada Doorashooyinka Puntland iyo samaynta Xeerar iyo Xeerar-Nidaamiyayaal lagama maarmaan u ah hirgalinta hannaanka xisbiyada badan ee Puntland iyo qabashada doorashada Golayaasha Deegaanka ee la filayo inay Puntland ka qabsoonto sannadka soo socda, insha Allah.

Khubarada gacanta ku haysa latalinta dhinaca sharciga ah waxaa la filayaa inay warbixin dhamaystiran oo ka hadlaysa dhamaystirka xeerarka iyo xeerar-nidaamiyayaasha usoo gudbiyaan Guddiga ka hor dhammaadka bisha 5aad ee hadda lagu jiro.

https://www.facebook.com/TPECPuntland

CodkaaguWaaXaqaaga
CodkaaguWaaMustaqbalkaaga.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *