Guddiga doorashooyinka oo shir online ah la yeeshay .wakiilo ka socda 17 ka Urur Siyaasadeed.

Saaka waxaa shir khadka ah yeeshay Gudoomiyaha Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland Guuleed Saalax Barre oo weheliyaan qaar kamida xubnaha Guddiga iyo wakiilo ka socda 17 ka Urur Siyaasadeed.

Ujeedka Kulanka ayaa ahaa sidii la iskaga xog waraysan lahaa hawlaha socda ee Gudddiga iyo Ururaduba ay waddaan iyo saamanta hawlahaas uu ku leeyahay xanuunka COVID19.

Muddadii kulanku socday waxaa si gaar ah looga hadlay dhamaystirka shuruudaha isdiiwaangelinta Ururada ee wajiga labaad, dib-u-eegista Xeerarka oo bilowday iyo guudmar Guddigu ku sameeyay qaybaha ugu muhiimsan ee uu ka koobanyahay sharciga Ururada Siyaasadda Puntland, si Ururadu u ogaadaan waxyaalaha u bannaan, xuquuqdooda iyo waxyaalaha ka reeban.

https://www.facebook.com/TPECPuntland

CodkaaguWaaXaqaaga
CodkaaguWaaMustaqbalkaaga.

Leave a Reply