Guddiga doorashooyinka Puntland ayaa ka qayb galay shirka qoondada Haweenka.

Gudoomiyaha Guddigga KMG ah ee doorashooyinka Puntland Guuleed Saalax Barre oo ay weheliyaan xubno guddiga ah ayaa ka qaybglay kulan ay soo abaabushay Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta arrimaha qoyska. Kulanka ayaa looga hadlayay Qoondada Haweenka ee matalaadda siyaasadda.

Gudoomiyaha ayaa sheegaya in dhawaan ay bilaabi doonaan diiwaangalinta Codbixiyaasha ka qaybqaadanaya doorashooyinka golayaasha deegaanka Degmooyinka Puntland, wuxuuna haweenka ku dhiirigaliayay inay noqdaan kuwa ugu badan ee isdiiwaangaliya si ay u helaan qoondadooda maadama ay noqon doonaan kuwa ugu badan ee wax doorta.

https://www.facebook.com/TPECPuntland/videos/632592244109289

CodkaaguWaaXaqaaga
CodkaaguWaaMustaqbalkaaga.

Leave a Reply