



Waxaa maanta wafdi ka socda Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland oo uu hogaaminayo Gudoomiyaha Guddiga Guuleed Saalax Barre safar shaqo ku tageen magaalada Qardho ee Xarunta Gobolka Karkaar.
Gudiga KMG doorashooyinka Puntland ayaa kulamo is xog waraysi ah la qaatay Duqa Degmada Cabdi Siciid Cismaan iyo Gudoomiye Ku xigeenka 1aad ee gobolka Cabdicasiis Yusuf Caamir waxayna kala hadleen sidii bulshada loogu sameyn lahaa wacyigalin la xiriirta nidaamka xisbiyada badan ee Puntland ku tilaabsatay.
https://www.facebook.com/TPECPuntland