Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland oo safar shaqo ku maraya gobolada Puntland ayaa maanta tagay Gobolka Mudug.

Guddiga KMG ee Doorashooyinka Puntland ayaa maanta magaalada Gaalkacyo ku qabtay kulankoodii wacyigalinta iyo la tashiyada dadweynaha kala duwan ee reer Puntland. Kulanka waxaa kasoo qaybgalay masuuliyiinta Gobolka Mudug oo uu hogaaminayo Guddomiyaha Gobolka Mudane Axmed Muuse iyo xubno ka socda qaybaha bulshada ee Gaalkacyo.

Guddigu wuxuu soo bandhigay qorshe hawleedka geeddi-socodka dimuqraaddiyeynya iyo jadwalka doorashada dowladaha hoose ee Puntland, wuxuuna sidoo kale ka jawaabay su’aalihii bulshadu ay waydiisay.

https://www.facebook.com/TPECPuntland

CodkaaguWaaXaqaaga
CodkaaguWaaMustaqbalkaaga.

Leave a Reply