Gudoomiyaha Guddiga KMG doorashooyinka PL, ayaa xarunta Guddiga kusoo dhaweeyay safiirka midowga yurub u fadhiya Somalia.

Safiirka Midowga Yurub u fadhiya Soomaaliyaa Nicolas BERLANGA iyo wafdi uu hogaaminayo, ayaa maanta soo booqday xafiiska Guddiga Doorashooyinka Puntland ee TPEC, wuxuuna kulan la qaatay Xubnaha Guddiga.

Wafdiga waxaan xarunta dhexe ee TPEC kusoo dhaweeyay Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Guuleed Saalax Barre oo ay weheliyaan xubnaha guddiga, waxayna kawada hadleen arrimaha hirgalinta nidaamka dimuqraadiyadda Puntland.

Guddoomiyaha ayaa safiirka uga warbixiyay qorshayaasha ay wadaan iyo dedaaladii ay sameeyeen mudadii ay shaqada joogeen.

Safiirka Midowga Yurub ayaa ballanqaaday in Midowga Yurub ay ka go’antahay taageridda Hannaanka xisbiyada Badan islamarkaana horay ugu soo bixiyeen dedaalo badan.Ambassador BERLANGA ayaa sidoo kale boqaadiyay shaqada Guddiga iyo qaabka ay wax u wadaan wuxuuna xusay in Midowga Yurub uu si dhow ula shaqayn doono.

#CodkaaguWaaXaqaaga

#CodkaaguMustaqbalkaaga.

Leave a Reply