Gudoomiyaha iyo xubnaha Guddiga ayaa maanta kulan la qaadtay qaybaha kala duwan ee bulshada.

Waxaan maanta shir kula qaadanay xarunta PDRC qaybaha kala duwan ee bulshada Rayidka ah.‪

Kulankan oo qayb ka ah shirar wadatashi xiriir ah oo guddigu waday ayaa diirada ku saaraynay qaabka lagu gaari karo hannaanka axsaabta badan, fahamka bulshada ee barnaamijkan iyo talooyinka ku aadan sidii looga gudbi lahaa caqabadihii hore.

Shirkan intii uu socday waxaan isku weydaarsanay afkaaro kala duwan, waxaana kasoo qaybgalayaasha shirka usoo bandhignay dedaalada ay wadaan iyo faaiidada hannaankan u leeyahay mujtamaca.

Kulamada wadatashiga ah ayaa socon doonaa ilaa horaanta bisha soo socota.

Leave a Reply