Events

Guddigadoorashooyinka ayaa kulan la yeeshay xubno ka socda ururada bulshada rayidka ah ee Qardho.

Gudoomiyaha Guddiga KMG doorashooyinka Puntland Guuleed Saalax Barre iyo xubno ka mida ah TPEC, ayaa galabta kulan la yeeshay xubno ka socda ururada bulshada rayidka ah ee magaalada Qardho. Intuu kulanku socday Gudoomiyuhu waxa uu bulshada rayidka ah usharaxey doorka muhiimka ah ee ay kuleeyihiin geeddi socodka nidaamka Axsaabta badan ee Puntland, sidoo kale waxa …

Guddigadoorashooyinka ayaa kulan la yeeshay xubno ka socda ururada bulshada rayidka ah ee Qardho. Read More »

Gudiga KMG doorashooyinka Puntland ayaa kulamo is xog waraysi ah la qaatay maamul gobolka Karkaar iyo duqa degmada Qardho.

Waxaa maanta wafdi ka socda Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland oo uu hogaaminayo Gudoomiyaha Guddiga Guuleed Saalax Barre safar shaqo ku tageen magaalada Qardho ee Xarunta Gobolka Karkaar. Gudiga KMG doorashooyinka Puntland ayaa kulamo is xog waraysi ah la qaatay Duqa Degmada Cabdi Siciid Cismaan iyo Gudoomiye Ku xigeenka 1aad ee gobolka Cabdicasiis Yusuf Caamir waxayna …

Gudiga KMG doorashooyinka Puntland ayaa kulamo is xog waraysi ah la qaatay maamul gobolka Karkaar iyo duqa degmada Qardho. Read More »

Guddiga doorashooyinka Puntland ayaa ka qayb galay shirka qoondada Haweenka.

Gudoomiyaha Guddigga KMG ah ee doorashooyinka Puntland Guuleed Saalax Barre oo ay weheliyaan xubno guddiga ah ayaa ka qaybglay kulan ay soo abaabushay Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta arrimaha qoyska. Kulanka ayaa looga hadlayay Qoondada Haweenka ee matalaadda siyaasadda. Gudoomiyaha ayaa sheegaya in dhawaan ay bilaabi doonaan diiwaangalinta Codbixiyaasha ka qaybqaadanaya doorashooyinka golayaasha deegaanka Degmooyinka Puntland, …

Guddiga doorashooyinka Puntland ayaa ka qayb galay shirka qoondada Haweenka. Read More »

Gudoomiyaha Guddiga doorashooyinka ayaa maanta kulan kula yeeshay magaalada Nairobi xubno ka socda beesha caalamka.

Guddoomiyaha Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland Mudane Guuleed Saalax ayaa maanta kulan kula yeeshay magaalada Nairobi xubno ka socda beesha caalamka oo ay ka mid yihiin safaaradaga Midowga Yurub, Sweden, Switzerland, Denmark iyo sanduuqa xasilinta Soomaaliya (Somali Stability Fund). Waxay labada dhinac iska waraysteen dadaalada socda ee Puntland ay ugu guurayso hannaanka xisbiyada badan iyo qabsoomidda …

Gudoomiyaha Guddiga doorashooyinka ayaa maanta kulan kula yeeshay magaalada Nairobi xubno ka socda beesha caalamka. Read More »

Guddiga doorashooyinka ayaa maanta kulan is-xogwareysi ah la yeeshay hogaamiyayaasha iyo xoghayayaasha guud ee 10ka Urur Siyaasadeed ee Puntland.

Guddiga kmg ee doorashooyinka Puntland ayaa maanta kulan is-xogwareysi ah kula yeeshay xarunta PDRC hogaamiyayaasha iyo xoghayayaasha guud ee 10ka Urur Siyaasadeed ee Puntland. Guddoomiyaha Guddiga Guuleed Saalax Barre ayaa warbixin guud siiyey madaxda Ururada oo uu ku wargaliyey in kulankan bishiiba ay mar isugu imaan doonaan Guddiga doorashada iyo madaxda Ururada Siyaasadda.Shirka waxaa la …

Guddiga doorashooyinka ayaa maanta kulan is-xogwareysi ah la yeeshay hogaamiyayaasha iyo xoghayayaasha guud ee 10ka Urur Siyaasadeed ee Puntland. Read More »

Gudoomiyaha Gudddiga doorashooyinka ayaa kulan aqoon isweydaarsi ah usoo xiray dhamaan ururada siyaasada Puntland.

Gudoomiyaha Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland Guuleed Saalax Barre ayaa soo xirayAqoon iswaydaarsi ay kaso qayb galeen dhamaan qaybaha kala duwan ee Ururada Siyaasada Puntland kaas oo ka qabsoomay Xarunta Cilmibaarista PDRC. Aqoon isweydaarsigaan oo soconayay laba bari ayaa ku saabsanaa fahamka barnaamijka xisbiyada badan, shuruucda iyo habraacyada diyaarsan iyo guud ahaan hirgalinta hannaanka xisbiyada badan …

Gudoomiyaha Gudddiga doorashooyinka ayaa kulan aqoon isweydaarsi ah usoo xiray dhamaan ururada siyaasada Puntland. Read More »

Gudddiga doorashooyinka ayaa kulan aqoon isweydaarsi ah u qabtay dhamaan ururada siyaasada Puntland.

Gudiga KMG Doorashooyinka Puntland ayaa xarunta Cilmibaarista PDRC saaka kulan aqoon isweydaarsi ah oo soconaya 2 maalmood ugu qabtay dhamaan ururada siyaasada Puntland. Aqoon isweydaarsigaan oo soconaya laba bari ayaa ku saabsan fahamka barnaamijka xisbiyada badan, shuruucda iyo habraacyada diyaarsan iyo guud ahaan hirgalinta hannaanka xisbiyada badan ee Puntland. https://www.facebook.com/TPECPuntland/videos/726755158106004 CodkaaguWaaXaqaaga CodkaaguWaaMustaqbalkaaga.

Xaflada Shahaado siinta Ururada Siyaasada Puntland.

Gudoomiyaha Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland Guuleed Saaalax Barre, ayaa gudoon siiyay shahaadooyinkii rasmiga ahaa ee ururada ka qayb-gali doona doorashooyinka golaha deegaanka Puntland oo lafilayo in ay dhacdo octoobar 2021. https://www.facebook.com/TPECPuntland/videos/2729815597294941 CodkaaguWaaXaqaaga CodkaaguWaaMustaqbalkaaga.

Guddiga doorashooyinka Puntland oo bilaabay hubinta xafiisyada ururada siyaasada Magaalada Boocame.

Waxaa maanta wafdi ka socda Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland kormeer ku sameeyeen xafiisyada Ururada Siyasadda Puntland ee magaalada Boocame, Gobolka sool. Gudiga KMG doorashooyinka Puntland ayaa waday kormeer maalmihii udanbeeyay ay ku sameenayeen xafiisyada Ururada Siyasadda si loo hubiyo in Ururadu leeyihiin xarumo leh astaamihii lagu xusay habraaca isdiiwaangelinta Ururada Siyaasadda Puntland. https://www.facebook.com/TPECPuntland CodkaaguWaaXaqaaga CodkaaguWaaMustaqbalkaaga.

Guddiga doorashooyinka ayaa kulan la shiray maamulka Gobolka Bari.

Wafdigii Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland ee ku sugnaa magaaladda Boosaaso ayaa saaka la shiray maamulka Gobolka Bari oo uu hormuud u ahaa Guddoomiyaha Gobalka Mudane Cabdisamad Abwaan, waxaana kasoo qayb galay Guddoomiye KXG Gobolka, Taliyaha Qaybta Booliiska iyo masuuliyiin kale.Uieedka kulanka ayaa ahaa isxogwaraysi iyo dardargelinta wacyigelinta bulshada dhinacyada dimuqraadiyadda iyo hirgalinta hannaanka xisbiyada badan …

Guddiga doorashooyinka ayaa kulan la shiray maamulka Gobolka Bari. Read More »