Events

Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland oo safar shaqo ku maraya gobolada Puntland.

Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland ayaa maanta oo khamiis ah 30ka Janaayo 2020 wuxuu ka bilaabay degmada Buurtinle safar shaqo uu ku marayo gobolada Puntland si dadweynaha loo gaarsiiyo qorshaha hirgalinta hannaanka xisbiyada badan ee Puntland, iyo latashiyo ku aaddan arrimahaas. Ugu horrayn waxaa Guddigu xarunta degmada kula shiray maamulka,golaha degaanka iyo qaybaha bulshada …

Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland oo safar shaqo ku maraya gobolada Puntland. Read More »

Gudoomiyaha iyo xubanaha Guddiga oo la shiray xubno ka tirsan Golaha Wasiirada Puntland.

Guddiga KMG ee doorashooyinka Puntland ayaa xaruntiisa dhexe wuxuu kula shiray xubno ka tirsan Golaha Wasiirada Puntland oo matalaya wasaaradaha ay shaqada dhow kawada dhaxayso TPEC. Kulanka oo noqonaya mid bille ah waxaa maanta looga wada hadlay diyaarinta xeerka codbixiyaha, dhamaystirka astaynta xuduudaha degmooyinka iyo dardargelinta wacyigelinta dadwaynaha. https://www.facebook.com/TPECPuntland CodkaaguWaaXaqaaga CodkaaguWaaMustaqbalkaaga.

Gudoomiyaha iyo Guddiga KMG ee doorashooyinka Puntland oo la sharay qaybaha bulshada rayidka.

Guddiga KMG ee doorashooyinka Puntland ayaa xaruntiisa dhexe wuxuu kula shiray qaybaha bulshada rayidka iyo xarumaha aqoonta sida laamaha cilmibaarista, jaamacadaha, ururada haweenka, dhallinyarada iyo warbaahihta.Kulankan ayaa ahaa isxog-wareysi iyo in Guddiga iyo Bulshada Rayidka ah bishiiba mar ay shir noocaan oo kale ah isugu yimaadaan. https://www.facebook.com/TPECPuntland CodkaaguWaaXaqaaga CodkaaguWaaMustaqbalkaaga.

Guddoomiyaha iyo qaar kamida xubnaha Guddiga oo kulan la qaatay madaxa UNSOM xafiiskeeda Puntland.

Guddiga KMG doorashooyinka Puntland ayaa manta kulan kula qaatay xarunta dhexe ee Guddiga madaxa UNSOM xafiiskeeda Puntland Mr. Guy Griffin.Kulanka waxaa looga wada hadlay sidii looga wada shaqayn lahaa Horumarinta Dimoqraadiyada Puntland iyo kaalinta Qaramada Midoobay ay ka qaadan lahayd. https://www.facebook.com/TPECPuntland CodkaaguWaaXaqaaga CodkaaguWaaMustaqbalkaaga.

Gudoomiyaha iyo qaar ka mid ah xubnaha Guddiga ayaa kulan la qaatay madax ka socda Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha ee PL.

Guddiga KMG doorashooyinka Puntland ayaa manta kulan kula qaatay xarunta dhexe ee Guddiga madax ka socda Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha ee Puntland.Kulanku wuxuu ku saabsanaa sidii ay uga wada shaqayn lahaayeen dhowrista xuquuqda aadanaha gaar ahaan sidii ay dadka reer Puntland loo gaarsiin lahaa wacyigelin ballaaran oo ku saabsan hannaanka xisbiyada badan iyo sidii muwaadin …

Gudoomiyaha iyo qaar ka mid ah xubnaha Guddiga ayaa kulan la qaatay madax ka socda Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha ee PL. Read More »

Gudoomiyaha oo xalay ka qaybgalay dood cilmiyeed ku saabsan qabsoomidda doorashooyin qof iyo cod ah.

Guddiga Doorashooyinka Puntland ee TPEC ayaa xalay ka qaybgalay dood cilmiyeed ku saabsan qabsoomidda doorashooyin qof iyo cod ah oo ka dhaca dowladda hoose ee Puntland. Kulankan waxaa soo qaban qaabiyay daladda ururada aan dowliga ahayn ee PUNSAA, waxaana ka qaybgalay bulshada qaybaheeda kala duwan. Guddiga ayaa ka jawaabay su’aalaha ay qabeen bulshada ee ku …

Gudoomiyaha oo xalay ka qaybgalay dood cilmiyeed ku saabsan qabsoomidda doorashooyin qof iyo cod ah. Read More »

Guddiga KMG doorashooyinka Puntland oo saaka ubilaamay tababar.

Guddiga KMG doorashoonynka PL Waxaa saaka u bilaamay tababar ku saabsan arrimaha doorashooyinka oo ay bixinayaan khubaro Soomaali iyo ajaanib ah soconna doona muddo asbuuc ah. Tababarka waxaa la siinayaa Xubnaha Guddiga Doorashooyinka iyo Shaqaalaha TPEC. Tababarkaani wuxuu qayb ka yahay kobcinta aqoonta iyo xirfadda Guddiga iyo Hawlwadeenada kala duwan. Linkiga riix saad udaawatid tababarkan. …

Guddiga KMG doorashooyinka Puntland oo saaka ubilaamay tababar. Read More »

Daahfurka qorshe hawleedka Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland.

Guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland ee TPEC ayaa caawa daah-furay qorshe howleedka Guddigu ay ku shaqayn doonaan, waxaana xafladda shaacinta qorshahaas oo ka dhacday hotelka Martisoor kasoo qaybgalay Madaxweynaha Dowladda Puntland, ku-xigeenkiisa, Guddoomiyaha Barlamaanka, xubno kasocday golayaasha dowladda, Guddiyadii hore ee TPEC 1 iyo TPEC 2 iyo qaybaha kala duwan ee bulshada. Guddiga ayaa …

Daahfurka qorshe hawleedka Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland. Read More »

Gudoomiyaha iyo xubno Guddiga ah oo uu hogaaminayo ayaa kulamo gooni gooni ah la yeeshay haayado caalami ah.

Waxaa maanta xubno ka socda Guddiga Doorashooyinku kulamo gooni gooni ah kula yeesheen magaaladda Nairobi sataakiil ka socota Hay’adda Interpeace iyo safaaradaha Sweden iyo Switzerland. Waxaa kulamada looga wada hadlay sidii Guddiga looga taageerilahaa hirgalinta hannaanka xisbiyada badan ee dhowaan laga hirgelindoono Puntland. Saad faahfaahin dheeriya u hesho guji Linkigan hoose. https://www.facebook.com/TPECPuntland #CodkaaguWaaMustaqbalkaaga. #CodkaaguWaaXaqaaga.

Gudoomiya iyo xubno Guddiga ah oo kulan la qaatay hay’adaha caalamiga ah iyo xubno ka socda beesha caalamka.

Xubno ka tirsan Guddiga Doorashooyinka Puntland oo uu hogaaminayo Guddomiyaha Guddiga Guuleed Saalax Barre, ayaa maanta kulan la yeeshay hay’adaha caalamiga ah iyo xubno ka socda beesha caalamka ee fadhigoodu yahay Nairobi. Kulanka waxaa looga wada hadlay sidii Puntland garab looga siin lahaa hirgalinta nidaamka xisbiyada badan iyo doorasho qof iyo cod ah oo laga …

Gudoomiya iyo xubno Guddiga ah oo kulan la qaatay hay’adaha caalamiga ah iyo xubno ka socda beesha caalamka. Read More »