


Guddiga Doorashooyinka Puntland ee TPEC ayaa xalay ka qaybgalay dood cilmiyeed ku saabsan qabsoomidda doorashooyin qof iyo cod ah oo ka dhaca dowladda hoose ee Puntland.
Kulankan waxaa soo qaban qaabiyay daladda ururada aan dowliga ahayn ee PUNSAA, waxaana ka qaybgalay bulshada qaybaheeda kala duwan.
Guddiga ayaa ka jawaabay su’aalaha ay qabeen bulshada ee ku saabsanaa sidii ay u qabsoomi lahayd doorashada iyo hirgalinta hannaanka axsaabta badan.
https://www.facebook.com/TPECPuntland