Xubno ka tirsan Guddiga Doorashooyinka Puntland oo uu hogaaminayo Guddomiyaha Guddiga Guuleed Saalax Barre, ayaa maanta kulan la yeeshay hay’adaha caalamiga ah iyo xubno ka socda beesha caalamka ee fadhigoodu yahay Nairobi. Kulanka waxaa looga wada hadlay sidii Puntland garab looga siin lahaa hirgalinta nidaamka xisbiyada badan iyo doorasho qof iyo cod ah oo laga hirgaliyo Puntland muddooyinka dhow.
Waxaa kulanka kasoo qayb galay xubno ka socda USAID, EU, DFID, Sweden, Switzerland, Germany, Denmark, SSF, InterPeace iyo SAHAN.
Saad faahfaahin dheeriya u hesho guji Linkigan hoose.
https://www.facebook.com/TPECPuntland