





Sida ku cad qodobka 13aad farqada 1 ee Sharciga Guddiga Doorashooyinka Puntland ee qeexaysa dhaarinta Xoghaya Guud ee Guddiga, waxaa saaka Garsoore ka socda Maxakamadda Sare Mudane Maxamuud Aadan Cabdulle uu dhaariyay Xoghaya cusub ee Guddiga Marwo Ubax Cabdullaahi Abshir oo Guddigu u magacaabay jagadaan 14 kii April 2020.
Dhaarinta ka dib, kusimihii Xoghayaha Mudane Liibaan Saalax Maxamuud ayaa xilka ku wareejiyay Xoghaya Cusub.
Guddoomiyaha Guddiga Mudane Guuleed Saalax Barre oo ku hadlayay magaca Guddiga ayaa soo dhoweeyay Xoghayaha Cusub una rajeeyay guul iyo shaqo wanaag, sidoo kale wuxuu ballan qaaday in wax walba oo u fududaynaya shaqada loo igmaday Guddigu uu u fududayndoono Xoghayaha Cusub.
Dhinaca kale, Guddoomiyuhu wuxuu u mahadceliyay K/S Xoghaya Guud ahna Kaaliyaha Xoghayaha Guud Mudane Liibaan Saalax oo muddadii uu isku hayay 2daas jago muujiyay hawlkarnimo iyo shaqo wanaag.
Kulankaan iskugu jiray dhaarinta iyo xilwareejinta waxaa kasoo qaybgalay Guddoonka, xubnaha Guddiga iyo hawlwadeenada Guddiga.
https://www.facebook.com/TPECPuntland/videos/620201901865280