Gudoomiyaha Guddiga oo shaaciyay liiska iyo magacyada ururadii isdiiwaangaliyay.

Gudoomiyaha Gudddiga KMG doorashooyinka Puntland Guuleed Saalax Barre oo saaka xarunta dhexe ee Guddiga kula hadlay Warbaahinta qaybaheeda kala duwan ayaa shaaciyay liiska iyo magacyada ururadii isdiiwaangaliyay.

Waxa uu sheegay gudoomiyuhu Diiwangalinta ururada oo soo bilaamatay 15 Dec 2019 soona xirmatay 15 march 2020 in ay is diiwaan galiyeen 17 urur siyaasadeed.

Gudoomiyaha aya sidoo kale sheegay in xafiiska diiwaangalintu ay ururada shuruuduhu ku harsanyihiin siiyeen mudo 4 bari ah oo ka soo bilaamatay 18 MARCH 2020 dhamaana doonta 22 MARCH 2020 ayna socoto bixinta shahaadada KMG diiwaangalinta.

https://www.facebook.com/TPECPuntland/videos/902909723495139

CodkaaguWaaXaqaaga
CodkaaguWaaMustaqbalkaaga.

Leave a Reply