Guddiga doorashooyinka ayaa kulan la qaatay dhallinyarada dhigata jaamacadaha magaalada Boosaaso.

Guddiga KMG doorashooyinka Puntland oo uu hogaaminayo Gudoomiyaha Guddiga Guuleed Saalax Barre, ayaa shir ku casumay dhallinyarada dhigata jaamacadaha kala duwan ee magaalada Bosaso ee Gobolka Bari.

Shirka oo ku saabsanaa soo bandhigista hannaanka xisbiyada badan si loo gaaro doorasho xor ah oo qof iyo cod ah ayaa dhallinyarada loogu sharraxay waxa uu yahay hannaanka doorasho dimuquraadi ah iyo in guddigu rabo inay iyagu hormuud ka noqdaan xisbiyada waxaana looga jawaabay su’aalihii ay dhallinyaradu ka qabtay hannaanka doorasho ee xorta ah.

https://www.facebook.com/TPECPuntland/videos/901000480316676

CodkaaguWaaXaqaaga
CodkaaguWaaMustaqbalkaaga.

Leave a Reply