Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland oo safar shaqo ku maraya gobolada Puntland ayaa maanta tagay Gobolka Bari.

Guddiga KMG doorashooyinka Puntland oo uu hogaaminayo Gudoomiyaha Guddiga Guuleed Saalax Barre, ayaa saaka oo ah 8/2/2020 waxay shir kula yeesheen xarunta gobolka ee magaalada Bosaso masuuliyiinta degmada, kuwa gobolka iyo golaha deegaanka gobolka Bari oo uu ugu horreeyo guddoomiyaha gobolka Cabdisamad Yuusuf Maxammed iyo duqa degmada Bosaso Cabdisalaan Bashiir waxuuna guddigu la wadaagay jadwalka doorashooyinka dawladaha hoose ee Puntland iyo guud ahaan qorshaha doorashooyinka xorta ah oo qof iyo cod ah kana dhaca deegaannada Puntland.

Guddoonka gobolka Bari ayaa soodhaweeyay hiigsiga iyo qorshaha guddiga ee doorashooyinka xorta ah.

https://www.facebook.com/TPECPuntland/videos/207761370349660

CodkaaguWaaXaqaaga
CodkaaguWaaMustaqbalkaaga.

Leave a Reply