Guddiga doorashooyinka oo maanta la shiray qaybaha kala duwan ee magaalada Dhahar ee gobolka Haylaan.

Guddiga KMG doorashooyinka Puntland (TPEC) ayaa Galabta magaalada Dhahar ku qabtay kulankoodii wacyigelinta iyo latashiyada dadwaynaha kala duwan ee reer Puntland. Kulanka waxaa kasoo qayb galay masuuliyiinta gobolka Haylaan oo ay hoggaaminayaan guddoomiyaha gobolka Haylaan mudane Siciid Xuseen iyo maayarka degmada Dhahar Cabdifataax Maxamed Salaad iyo xubno ka socda qaybaha bulshada ee Dhahar.

Guddigu waxa uu soo bandhigay qorshe-hawleedka geeddi socdka dimuquraadiyadda iyo jadwalka doorashada dawladaha hoose ee Puntland waxuuna sidoo kale ka jawaabay su’aalihii bulshadu waydiisay iyaga oo kadhegaystay dhammaan talooyinka ay soojeedisay bulshadu.

https://www.facebook.com/TPECPuntland/videos/256051058711683

CodkaaguWaaXaqaaga
CodkaaguWaaMustaqbalkaaga.

Leave a Reply