Guddiga KMG doorashooyinka Puntland ayaa caawa degmada Qardho ee gobolka Karkaar kula shiray qaybaha kala duwan ee dadwaynaha degmada Qardho oo isugu jiray Odayaal, aqoonyahan, haween, dhallinyaro iyo waliba guddoonka gobolka iyo degmada oo uu ugu horreeyo guddoomiyaha golaha deegaanka ahna duqa degmada Qardho Cabdi Siciid Cismaan iyo xildhibaannada gobolka.
Guddiga ayaa bulshada la wadaagay qorshaha hirgelinta nidaamka xisbiyada badan iyo Jadwalka ay doonayaan in ay ku gaaraan, waxayna shacabka ka dhagaysteen aragtidooda ku aaddan hannaanka qof iyo cod iyada oo guddigu ka jawaabay dhammaan su’aalihii ay qabeen dadweynihii kasoo qayb galay madasha.
https://www.facebook.com/TPECPuntland/videos/802834603517385