Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland oo safar shaqo ku maraya gobolada Puntland ayaa maanta tagay Gobolka Mudug.

Guddiga oo maanta safar shaqo ku yimi degmada Qardho ayaa caawa kulan la qaatay masuuliyiinta Gobolka Karkaar iyo Degmada Qardho oo uu hogaaminayo Guddoomiyaha Gobolka Siciid Maxamed Faahiye. Kulanka waxaa kasoo qaybgalay dhamaan masuuliyiinta dawladda heer Gobol, degmo oo ay ka mid yihiin Isuduwayaasha wasaaradaha, Duqa Degmada Qardho iyo xubnaha Golaha Deegaanka Qardho.

Guddigu wuxuu uga waramay qorshaha iyo Jadwalka Doorashada la rabo in dadweynuhu kusoo doortaan golayaasha deegaanka Puntland.

https://www.facebook.com/TPECPuntland

CodkaaguWaaXaqaaga
CodkaaguWaaMustaqbalkaaga.

Leave a Reply