Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland oo safar shaqo ku maraya gobolada Puntland ayaa maanta tagay degmada Dangorayo.

Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland oo uu hogaaminayo Gudoomiyaha Guddiga Guuleed Saalax Barre ayaa saaka kulan la qaatay maamulka iyo qaybaha bulshada ee Degmada Dangorayo oo ka tirsan Gobolka Nugaal. Guddiga ayaa uga warbixiyay maamulka iyo bulshada Dangorayo qorshaha hirgalinta hannaanka xisbiyada badan ee Puntland iyo jadwalka doorashada.

Guddomiyaha Degmada Dangorayo Mudane Mukhtaar Cabdiraxmaan ayaa Guddiga kusoo dhoweeyay degmada, waxgaradkii iyo qaybihii bulshada ee Guddigu la kulmayna waxay Guddiga la qaybsadeen dareenkooda iyaga oo talooyina siiyay Guddiga.

https://www.facebook.com/TPECPuntland

CodkaaguWaaXaqaaga
CodkaaguWaaMustaqbalkaaga.

Leave a Reply