



Guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland oo uu hogaaminayo Gudoomiyaha Guddiga Guuleed Saalax Barre, ayaa saaka waxay la kulmeen maamulka oo uu ugu horreeyo duqa degmada Boocame Xayle Xasan Shire, xildhibaannada deegaanka iyo qaybaha kala duwan ee dadweynaha Degmada Boocame ee gobolka Sool.
Guddiga ayaa dadweynaha degmada la wadaagay jadwalka doorashada dawladaha hoose iyo qorshaha hannaanka xisbiyada badan ee Puntland ku tilaabsanayso.Maamulka iyo shacabka ayaa intaa kadib Guddiga u gudbiyay fikradaha iyo su’aalaha ay ka qabaan barnaamijkan.
https://www.facebook.com/TPECPuntland/videos/483573555613094