



Guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland oo uu hogaaminayo Gudoomiyaha Guddiga Guuleed Saalax Barre, ayaa saaka waxay la kulmeen maamulka oo ugu horeeyo Gudoomiyaha degmada Eyl Muuse Cisman iyo qaybaha kala duwan ee dadweynaha Degmada Eyl ee gobolka Nugaal.Guddiga ayaa dadweynaha degmada la wadaagay jadwalka doorashada dawladaha hoose iyo qorshaha hannaanka xisbiyada badan ee Puntland ku tilaabsanayso.
Maamulka iyo shacabka ayaa intaa kadib Guddiga u gudbiyay fikradaha iyo su’aalaha ay ka qabaan barnaamijkan.
https://www.facebook.com/TPECPuntland/videos/239578163727140