




Gudoomiyaha Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland Guuleed Saalax Barre iyo xubno TPEC ka mid ah, ayaa xalay kulan wacyigalin ah la yeeshay ardayda Jaamacada Bariga Afrika faraceeda Qardho iyo qaybaha kala duwan ee dhalinyarada magaaladda Qardho.
Kulanka ayaa waxa looga hadlayay doorka dhalinyaradu ay ku leeyihiin sare uqaadista wacyigalinta iyo fahamsiinta bulshada nidaamka asxaabta badan ee Puntland.
Sidoo kale inta kulanku socday dhalinyarada ayaa su’aalo ku saabsan geeddi socodka nidaamka dimuqraadiyada Puntland iyo doorka dhalinyarada waydiiyay Guddiga, waxaana su’aalahaa mid mid uga jawaabay Gudoomiyaha Guddiga Guuleed Saalax Barre.
https://www.facebook.com/TPECPuntland