Guddiga doorashooyinka ayaa kulan la yeeshay xubno ka socda Ururada Haweenka magaaladda Qardho.

Gudoomiyaha Gudigga KMG Doorashooyinka Puntland Guuleed Saalax Barre iyo xubno ka mid ah TPEC, ayaa maanta oo khamiis ah, 24-09-2020, waxay kulan la yeesheen Ururada Haweenka magaaladda Qardho.

Kulankan oo ka mid ahaa kulamo ay Guddigu la yeelanayeen qaybaha kala duwan ee bulshada Qardho ayay uga hadleen doorka ay haweenku ku leeyihiin geeddi socodka nidaamka axsaabta badan ee Puntland.

Sidoo kale waxay haweenka ku dhiirigaliyeen inay si mug leh uga qaybqaataan isdiiwaangalinta codbixiyayaasha ee dhawaan la samayndoono.

https://www.facebook.com/TPECPuntland

CodkaaguWaaXaqaaga
CodkaaguWaaMustaqbalkaaga.

Leave a Reply