Gudoomiyaha Guddiga doorashooyin iyo xubno la socda oo booqasho ugu tagay Suldaan Saciid Suldaan Cabdisalaan.

Gudoomiyaha Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland iyo xubno ka mid ah Guddiga oo safar shaqo ku jooga Degmada Baran ayaa galabta 26 September 2020 hoygiisa salaan booqasho ah ugu tagay Suldaan Saciid Suldaan Cabdisalaan oo kamida hoggaanka dhaqanka Puntland.

Gudoomiyaha Guddiga Guuleed Saalax Barre ayaa Suldaanka uga warbixiyay ujeedka safarka ay ku yimaadeen Degmada Baran ee Gobalka Sanaag, isagoona la wadaagay warbixin ku saabsan shaqada TPEC.

Ugu danbeyn Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan ayaa uga mahadceliyey Guddiga booqashada ay ugu yimaadeen hoygiisa waxuuna uu ku dhiirigaliyay shaqada muhiimka ah ee ay hayaan TPEC iyo wacyigelinta ay ka wadaan Degmada Baran iyo guud ahaan Gobolka Sanaag.

https://www.facebook.com/TPECPuntland

CodkaaguWaaXaqaaga
CodkaaguWaaMustaqbalkaaga.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *