


Guddiga doorashooyinka Puntland oo uu hogaaminayo Gudoomiyaha Guddiga Guuleed Saalax Barre, ayaa saaka ka bilaabay magaaladda Garoowe hubinta xafiisyada ururada siyaasadda, taas oo qayb ka ah nidaam lagu hubinayo sida ay ufuliyeen Ururadu shuruudaha isdiiwaangelinta.
Maanta Guddigu wuxuu booqday xafiisyada Ururada Bakaal, Caddaaladda iyo Sinnaanta, Mustaqbal, Mideeye, Kaah iyo Himilo.Hubinta xafiisyada ururada ee magaalada garoowe ayaa lagu wadaa in ay soo gaba-gabowdo malinta Talaadada ah oo taariikhdu tahay 30-ka June.
Gudiga doorashooyinka Puntland ayaa sidoo kale maalmaha soosocda booqashooyin ku tagidoonaa dhamaan xafiisyada urur siyaasadeedyada ee gobolada Puntland.
https://www.facebook.com/TPECPuntland