Kulanka Guddiga Doorashooyinka Puntland iyo Ururada Siyaasadda.

Galabta, 22-June-2020, Guddiga Doorashooyinka xaruntiisa dhexe ee Garoowe waxa ay mid mid uga guddoomeen Ururada Siyaasadda qayb ka mid ah shuruudaha diiwaangalinta ee wajiga 2aad oo waqtigii loo qabtay uu maanta ku ekaa.

Shirka oo ay fadhiyeen wakiilada dhowr iyo toban urur-siyaasadeed, Guddigu wuxuu ku dhawaaqay in 12 Urur siyaasadeed ay soo gudbiyeen shuruudihii una gudbeen wajiga hubinta iyo xaqiijinta ururnimo.

Maalmaha soo socda Guddiga Doorashooyinku wuxuu safaro ku tagi doonaa gobolada Puntland si uu u soo xaqiijiyo xafiisyada ururada iyo taageerayaasha ay ka diiwaan galiyeen gobolada.

https://www.facebook.com/TPECPuntland

CodkaaguWaaXaqaaga
CodkaaguWaaMustaqbalkaaga.

Leave a Reply